Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hiraglinayo Boosaaso “Sawirro” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaas oo ay kala kulmeen soo dhoweyn diirran taas oo aanay u kala hadhin dadweynaha kudhaqan magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa markuu uu gaaray magaalada Boosaso waxa uu dhagax dhigay buundo weyn taas oo hore u go’day, isla markaasna lagu dhisay Barnaamijka” Puntland Haysku tashato“ oo uu madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland hore u iclaamiyey, iyadoo dhaqaalaha ay ku kacayso buundadaasina lagu qiyaasay kudhowaad $40,000(Afartan kun oo doolar) waxaana iska kaashanaya Puntland iyo Shacabka deegaanadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhagax dhigay barnaamijka Ileyska cad-ceeda ku shaqeeya ee loo yaqaan SOLAR SYSTEM, kaas oo ay iska kaashanayaa Dawladda Hoose ee Boosaaso iyo Hay’adda “SSF Somali Stability Fund” waxaana uu ku tilmaamay mid waxweyn ka-beddelidoona dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee Boosaaso, isu socodka dadweyna xilliga habeenkii iyo adkaynta nabadgelyada Boosaaso.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa ayaa loosoo gelbiyey Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi, iyagoona ay ugu mahad celiyeen dhammaan dadweynaha reer Puntland sida dawlad Jecaylka ah ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sidoo kale xusay in ay u yimaadeen Magaalada Boosaaso sidii ay si’ dhow ula socon lahaayeen mashaariicda horumarineed ee dawladdu kawado magaalada Boosaaso , isla markaasina xariga looga jari lahaa Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso, iyadoo qalabkii lagu ballaarin lahaa dekedda boosaasona uu jidka kusoo jiro dhowaana lasugayo in hawshaasi labilaabo.

IMG_2956IMG_2960IMG_2964IMG_2973IMG_2983IMG_2986IMG_2991IMG_3025IMG_3135IMG_3155IMG_3161IMG_3162IMG_3171IMG_3178IMG_3197IMG_3201IMG_3211IMG_3222IMG_3226IMG_3238IMG_3243IMG_3247IMG_3251IMG_3261IMG_3269IMG_3280IMG_3308IMG_3327IMG_3333IMG_3370IMG_3392IMG_3396IMG_3423IMG_3425IMG_3432IMG_3471IMG_3483IMG_3490IMG_3499IMG_3515IMG_3623IMG_3684IMG_3711IMG_3726IMG_3734IMG_3740IMG_3789IMG_3806

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS