Daawo Sawirada '' Boqolaal ardey oo Tababarro kala duwan ku qaadanaya xarumaha jaamacadda Soomaaliya

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ustaad Shaafici Yuusuf Cumar oo kamid ah macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa uu ku dhawaad 100 ardey tababar khuseeya report writing uga bilaabay xarunta KM4 ay ku leedadahay jaamacaddu.

Siminaarkaan ayaa waxa uu socan doonaa 2-ba maalin, waxaan inta ardeydu ay ku guda jiraan la bari doonaa habka wax loo qoro iyo sida xogta loosoo aruuriyo

Tababarka waxa furay Raaqiya Axmed Maxamed oo ah hormuudka Kulyadda cilmiga bulsha iyo waxbarashada Jaamacadda Soomaaliya (UNISO).

Tababar kale ayaa waxa uu ka furmay xarunta 21-ka Janaayo waxaana si rasmi ah daaha uga rogay madaxa xariirka caalamiga ah ee Jaamacadda Soomaaliya, Dr Yaasiin Aadan, waxa uuna u mahadeliyay macallimka bixinaya, Eng. Cabdulqaadir Cali Xuseen.

Waxaa munaasabadda furitaanka joogay hormuudka Kulyadda engineering and computer science, Eng. Cabdirashiid Xassan Cabdi iyo hormuudka Xafiiska Ardeyda, Jaamac Xassan.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar




Jaamac Xassn, hormuudka Xafiiska Ardeyda jaamacadda Soomaaliya (UNISO), waxa uu munaasabadda ka sheegay in jaamacadda Soomaaliya ay ardeydeeda ku qalabeyso aqoon, si marka ay jaamacadda ka baxaan ay u noqdaan kuwa isku filan bulshada inteeda kalana anfaca.

Tababarka oo loogu tala galay ardeyda barata computer science ayaa waxa uu ku saabsanyahay Red Hat linux server administration and security hardening, waxa uuna socon doonaa muda isbuuc ah.

Tababaradaan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorsha jaamacadda Soomaaliya ay horay ugu dhawaaqday oo ahaa in la tayeeyo waxbarashada.

Ardeyda uu tababarku u bilaawday ayaa waxa ay uga mahadceliyeen maamulka Jaamacadda dadaalka ay ku bixinayaan sara u qaadidda aqoonta ardeyda, waxa ayna codsadeen tababarro dheeraaad ah.












NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS