Qaban qaababada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha oo beledweyne ka socoto

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkasi oo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay beledweyne uga qeyb geli doonaan munaasabad uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar, kaasi oo ka socoto xarunta degmada Beledweyne.

Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee ku sugan Beledweyne ayaa ku soo waramayaa in diyaar garoow xoogan loogu jiro wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu wado in saacadaha soo socda ay gaaraan beledweyne.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS