Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Calool xumada taala Ceelbuur (Dawo Sawirada)

  Wednesday April 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ka qeyb galay Kulan balaaran oo looga arinsanayay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Deegaano katirsan Gobolka Galgaduud ,ayaa ka hadlay xaalada adag ay xiligan ku sugan tahay Degmada Ceelbuur.

Mudane Guuleed ayaa sheegay in Degmada Ceelbuur ay xiligan ku sugan tahay marxalad aad looga naxo, waxa uuna tilmaamay mar uu booqasho ku tagay Degmadaasi uu kusoo arkay waxyaabo aad looga naxo uuna kula kulmay kaliya 12-qof oo shacab ah.

''Hadaan Runta idiin sheego Ceelbuur labo mar ayaan tagay , mar waxa ay aheed 1997-dii marna hadaan dhaw ayey aheed, waana kaaf iyo kala dheeri waxaana labadaasi kusoo arkay Ceelbuur, ma rumeesanaysaan Ceelbuur markaan tagay dhawaan kuna dhax lugeeyay waxaan ku arkay kaliya 12-qof oo shacab ah oo isugu jira Haween iyo caruur, dadkaasi kaaga daran wax ay cunaan xitaa ma haysan Itoobiyaanka ayey rasahinka la cunayeen'' Ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay xiligan in loo gurmado Degmada Ceelbuur lagana shaqeeyo sidii loogu soo celin lahaa dadkii degnaa loogana shaqeyn lahaa soo celinta Adeegyada aas aasiga ee Degmadaasi, waxa uuna dhaliil usoo jeediyay ganacsatada degmadaasi kasoo jeeda.

''Markaad fiiriso labo kamid ah dadka hada ugu hantida badan Soomaali in ay kasoo jeedaan Degmada Ceelbuur, maxaa ku dhacay dadkaasi miyeysan u damqaneyn dadkooda iyo deegaankooda, waxaana idinka codsaneynaa in aad la shaqeesaan Maamulka Galmudug si cadawga looga dulqaado Deegaanada gacantooda ku jira si loo soo celiyo nabada iyo noloshii ka jiray Deegaanadaasi'' Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan aysan Degmada Ceelbuur dad ku nooleyn, waxa uuna cadeeyay maamulkiisa oo kaashanaya Dowlada Dhaxe in ay ka shaqeenayaan sidii Ceelbuur loogu so cein lahaa sidii hore.

''Markaan tagay Ceelbuur oon soo arkay calool xumada taal, walaahi waxaan is iri magaaladadan waxa ayba ku rooneed in loo daayo Al-Shabaab oon laga sarain, waayo ma fileyn in Ceelbuur ay sidan ku dambeyneyso '' Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo aad uga xumaa xaalada Ceelbuur xiligan ku sugan tahay.

Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ayaa aheed degmo Taariih fog leh mudo badana soo jirtay, hasa ahaatee nasiib darada xiligan jirta ayaa ah in degmadaasi aysan qof shacab ah ku nooleyn ayna ku sugan yihiin kaliya Ciidamo tiro yar oo Soomaali ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah.

















































































































































































WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS