Daawo Sawirada Shahaado Sharaf Qiimo badan oo la gudoonsiiyay Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance

  Monday April 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka DFS Xaawa Xassan Maxamuud ayaa shahaado sharaf waxaa ay gudoonsiisay howlwadeenka guud ee Hay’adda Aamin Ambulance xarunta Muqdisho kadib shaqo wadatay hufnaan, howlkarnimo & dareen umadeed oo aad u saameyn badan.

Kadib markii ay aragtay wasiirad Xaawa shaqada adag ay Aamin Ambulance u heyso shicibka Soomaaliyeed ee dulmanaa mudada aadka u dheer waayayna wax u qabta adeegyadii kala duwanaa ee ay u baahnaayeen ayay garawsatay iney abaalmarin buuxda siiso Samafale aqoonyahan Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam oo ahaa aasaasihii Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance.

Shahaado sharaftaan ayaa wasaaraddu waxa ay ku soo beegtay xilli laga xusayay guud ahaan caalamka gaar ahaan Soomaaliya maalinta caafimaadka dunida oo sanad walba la xuso, iyadoona la iska xogwareystay qatarada caafimaad darro ee dalkeena & sidii wax looga qaban lahaa intaba.

Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance ayaa la aasaasay xilliyadii adkaa ee dalku soo maray kadib markii dhaawacyada & dhimashada dadka lagu qaadi jiray gaari gacamo faa’iidooyinkoodu ka badnaayee qasaarahoodu, islamarkaana aysan dabooli karin baahiyada jiray xilligaasi.

Samafale aqoonyahan Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka Dalka Xaawa Xassan Maxamuud Shahaado Sharafta ay u garatay Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance, isagoona intaa raaciyay ineysan jirin wasaarad ama mas’uul dowladeed oo horay u gartay iney abaalmarin ku siiyaan howlaha Aamin Ambulance u heyso bulshada soomaaliyeed ee dhibaatadu ragaadisay kana burburay dhinackasta.

Kadib burburkii dowladdii dhexe ee dalka waxaa lawaayay adeegyo farabadan oo aad muhiim ugu ahaa dadkeena kuwaas oo kamid ahaayeen Ambulance yadii dadka dhiban ka soo qaadi jiray xaafadahooda islamarkaana geyn jiray goobaha caafimaad ee Muqdisho, waxaana shaqadaas muhiimka u ah bulshadeena u istaagay xilligaan Hay’adda Samafalka Aamin Ambulnce.

Ugu dambeyn howlaha Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance Muqdisho ayaa ah qaadista dhaawacyada kala duwan ee dadka, keenista haweenka foosha ah isbitaalada kala duwan ee dalka, geynta maydadka qabuuraha & howla kale oo badan.

Samafale aqoonyahay Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa sheegay iney gaarsiin doonaan howsha Ambulance yada guud ahaaN gobolada dalka hadii ay helaan kaalmo ku filan Inshaa Allaah.






































































































































Wariye A/qaadir jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS