Daawo Sawiro Qurxoo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka qeybgalay xaflad lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH+Sawirro

  Thursday December 24, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasabadan lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ku xigeenkiisa koowaad iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano iyo boqolaal kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed.

Ugu horeyn xaflada ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan C/qaadir Macalim Nuur oo kamid ahaa dadkii soo qaban qaabiyay munaasabadda lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta dowladda ee ka soo qeybgashay sida ay ahmiyad weynu siiyeen xafladan.

Wasiirka diinta iyo Owqaafta ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ahmiyad weyn u leedahay dhamaan muslimiinta in ay bartaan taariikhda nabigeena Muxamed NNKH.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dadka muslimiinta ay isku booriyaan jeceylka nabigeena iyo barashada taariikhdiisa si dadka ay u noqodaan kuwo markasta qalbigooda ka buuxsanto jeceylka nabigeena Muxamed NNKH.

Mudane Jawaari ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay dowlad la’aanta isagoo sheegay in ay xaaraam tahay in qof muslim ah dhiigiisa la daadiyo sabab la’aan.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Rabiicul Awal ayaa guud ahaan dunida muslimka laga xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH iyadoo magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka lagu qabtay xafladahaasi.

DSC09386DSC09387DSC09388DSC09389DSC09390DSC09391DSC09392DSC09393DSC09394DSC09395DSC09399DSC09400DSC09401DSC09402DSC09403DSC09404DSC09410DSC09411DSC09414DSC09415DSC09416DSC09417DSC09419DSC09424DSC09430DSC09437DSC09438DSC09439DSC09446DSC09447DSC09448DSC09454DSC09456DSC09459DSC09462DSC09464DSC09467DSC09470DSC09474DSC09478DSC09488DSC09490

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS