Daawo Sawiro Qurxoon Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Masar+Sawirro

  Thursday December 24, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Masar Magdy Abdel Ghaafar ayaa xafiiskiisa magaalada Qaahira ku qaabiley wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya ayagoo ka wada hadlay arimaha la dagaalanka argagaxisada sida ay soo warisay majalada Al-Ahram ee dalkaasi ka soo baxda.

Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed wasiirka amniga gudaha ayaa wasiirka arrimaha gudaha Masar u muujiyay sida laamaha amniga ee Soomaaliya ay ugu faa’ideysan karaan khibrada ay leeyihiin kuwa dalka Masar.

Labada dal Soomaaliya iyo Masar ayaa dagaal kula jira maleeshiyaad maxali ah oo aaminsan afkaarta argagaxisnimada kuwaasoo dhibaatooyin xooggan ku haya shacabka labada dal.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo ka mid ah wafdiga wasiirka ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Masar iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada ciidan isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada

Masar ayaa dagaal kula jirta muddo 10 sano ku dhow maleeshiyaad ka soo horjeeda xukuumadda dalkaasi ka aramisa kuwaas oo ka dagaalama waqooyiga jasiirada Siinaa, waxaana dagaalkaasi uu xoogeystay labadii sano ee la soo dhaafay markii ay ciidanka dalka Masar ay afgembiyeen madaxweynihii dalkaasi Maxamed Mursi.

2b100ddb-a462-4151-9e7e-1511eaa2f6d22c122c03-3ffa-4240-82c1-faedee395e7b7b30ff7e-3556-482a-a34b-72425e08a47a7e219933-b47e-4d59-9e90-fee500c7eb4f8e78ea6f-d94d-4add-8b7f-3696c7bbd3db58ffd368-7022-432e-b080-4d61c44c8f6f82ffd51c-fd76-4dca-9481-a83068b58e8a206f606f-6fb6-4177-b02f-1c738e01975b9342399c-a669-4f1c-88e7-e4276ec38c37b5e470d4-0e4f-4211-a4e1-c1fa931b77fcbadcc884-38d8-47f7-bbdd-f3308f4c20adc311ecd0-fbc0-44db-9dea-f48201bf6edbd683ac23-38d4-44c0-827d-13e31413d85cee6cc2ff-9ddf-45d1-bed0-0ca78067ea19

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS