DAAWO SAWIRADA” SUBXAANALAAH Nin cuuryaan ka ah labada gacan iyo labada lug oo kufsi geystay

  Thursday January 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Nin 35 sano jir ah oo ku nool dalka Jarmalka kana go’an labada gacmood iyo labada lugood ayaa lagu helay dambi ah in uu faro xumeeyay gabar yar oo lix sano jir ah bariga dalka Jarmalka.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Tomy S ayaa lagu casuumay xaflad dhalasho oo gabar lix sano jir ah oo ay dhashay haweeney ka shaqeysa xarun lagu xanaaneeyo dadka curyaamiinta ah.

Ninkan curyaanka ah ayaa la xiray kadib markii gabadha yar ay aqoonsatay magaciisa Paula waxayna u sheegtay hooyadeed inuu weeraray xaflada dhalashadeeda oo ka dhacaysay Chemnitz ee Koofurta Leipzig.

Gabadha yar ayaa waxaa ay maxkamadu ku weydiisay su’aalo iyadoo muuqaal video ah la soo marsiiyay su’aalaha.

Gabadha yar ayaa u sheegtay Maxkamada in uu Paula u sheegay inay ciyaarayaan kadibna uu carruurtii kale weydiistey inay baxaan. ‘Markii dambe ayuu ku amray in ay carruurta kale ay baxaan,anigana aan surwaalka iska siibo oo aan sariirta jiifsado.’

Hase yeeshee Paula ayaa waxaa uu beeniyay in uu sameeyay wax xumaan balse uu akhriyay carruurta sheekooyin kaliya.Hase yeeshee maxkamada ayaa waxa ay ku xukuntay xabsi gaaraya 11 bilood iyo inuusan wax xiriir ah la sameyn karin qoyska gabadha yar.

jiis (1)jiis (2)

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS