Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Sunday January 10, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Muqdisho, 10 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii, Baarlamanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, geeridii ku timid Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ka tirsanaa Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame uu ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga soo shaqeeyey dib u heshiisiinta, mar bandanna naftiisa ay khatar u gashey isagoo gudanayaa waajibaadkiisa qarannimo ee nabad raadinta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu qaranka u hayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS