Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Turkiga oo badbaadiyay nin doonayay in uu iska tuuro Kaabad ama Buundo dheer

  Saturday December 26, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Rajeb Dayib ErdoganMadaxweynaha Dalka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu bad baadiyay nin sabool ah oo doonayay in uu iska tuuro Buundada ugu dheer dalka Turkiga oo ku taala Magaalada Istanbuul.

Ninkan saboolka ah oo la sheegay iney nolosha ku adkaatay ayaa doonayay in uu iska tuuro Buundada Bosphor, si uu u geeriyoodo, waxaana arintaasi ka war heshay Madaxtooyada Turkiga, iyadoo durbadiiba uu madaxweynaha Turkiga uu si deg dge ah usoo gaaray buundadaasi oo ah halka uu ninkaasi doonayay in uu iska tuuro.

Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaday ninka doonayay in uu istuuro ayaa ka codsaday in uusan is dilin uuna la kulmo Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan, ninkan ayaana aaminin warka ciidanka, waxaana ugu dambeyn laga furay daaqada gaarigii uu saarnaa Madaxwenaha, ninkan ayaana markii uu arkay Madaxweynaha ka laabtay go’aankiisa isagoo soo aaday dhinaca gaariga uu saarnaa Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo gaarigiisa ku jira ayaa waxaa loo geeyay ninka doonayay in uu Buundada iska tuuro, waxa uuna ninkan uga warbixiyay Madaxweynaha daruufta heeysata ee ku kalifay in uu is dilo, Madaxweynaha ayaa ninkaasi u muujiyay naxariis isagoo ka qiirooday duruufta dhinaca nolosha ah ee ninkaasi soo wajahday, wuxuuna madaxweynuhu ninkaasi u sameeyay balan qaad u sameeyay ninkaasi, isagoo markiiba telfoon u diray Madax kale kuna amray in loo qabo ninkan waxa uu doonayo.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan, oo ah Hogaamiye Naxariis badan dadkuna aad u jecel yihiin ayaa sabab u noqday in uu bad baadiyo nolosha ninkaasi saboolka ah.

naxaris_1naxaris_2naxaris_3naxaris_4naxaris_5

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2015-12-25 13:56:18Z |  | ÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÛï‹d§ÿ

I

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS