Ciidamada amniga Puntland oo gacanta ku dhigay rag lala xiriirinayo Al-Shabaab

  Tuesday April 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

iidamada Amniga ee Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ku soo qabtay 15 qof oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xoojinayay amniga magaalada Garoowe, isagoo intaa ku daray in ay gacanta ku soo dhigeen 15 qof oo lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

“Guri ku yaala Garoowe ayaan ka soo qabanay 15 ruux oo watay qoryahooda iyo booshashkooda, guddoomiyaha gobolka ayaa nagu hogaaminayay howlgalka, kuwa kale waa ay jiraan, balse waan ku raad joognaa, shacabkuna ay ku kalsoonaadaan” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa shacabka ka codsdaay inay nabadgelyada ay gacan ku siiyaan oo ay ciidamada la shaqeeyaan si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS