Xarunta Howl galka Midowga Yurub ee Mali oo la weeraray

  Tuesday March 22, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday hotel si aad ah ammaankiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla magaalada Bamako ee dalka Mali, halkaasoo xarun u ah ciidamada ka socda Midowga Yurub ee tababarada siiya ciidanka Mali.

Mid ka mid ah dableydii weerarka geysatay ayaa la toogtay, halka ugu yaraan labo kalena la xiray, inkastoo aan wali kala cadeyn.

War qoraal ah oo ka soo baxay howl galka Midowga Yurub ee Mali ayaa lagu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalahooda, waxaana ay sheegeen inay sugayaan ammaanka goobta.

Wasiirka Amniga Mali ayaa sheegay in weerarkan la fashiliyay, lana dilay mid ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday, halka labo kalena la xiray..

Xarunta ay leeyihiin howl galka Midowga Yurub ee Mali ayaa ah Hotel lagu magacaabo Nord Sud, kaasoo ah mid ammaankiisa aad loo ilaaliyo.

Bishii November ee sanadkii hore ayaa weerar Al-Qaacida ku qaaday Hotel ku yaala Bamako lagu dilay tobaneeyo ruux.

Kooxda Al-Qaacida ee waqooyiga Afrika ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneysay dalalka ku yaala galbeedka Afrika, waxaana bishan ay aheyd markii la weeraray Hotel ku yaalla Ivory Coast oo lagu dilay 19 ruux.

EU-MaliEu-Mali1

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS