Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley xoojinta iyo tayeynta wadashaqeynta AMISOM iyo Soomaaliya+Sawirro

  Thursday December 17, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa ka wadahadley hawlaha AMISOM ee Soomaaliya, guulaha la gaarey , caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u la shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyay sida Ururka Midowga Afrika ugu soo gurmadey Soomaaliya.

Danjire Madeira oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ugu horayn Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Dlamini Zuma, waxaana uu ballanqaaday inuu meesha ka sii wadi doono hawlaha muhiimka ee AMISOM ka hayso Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socday

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS