Puntland oo soo bandhigtay Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Togga Suuj (Sawirro)

  Tuesday March 22, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Ciidamada Puntland ee ka dagaalamay Togga Suuj ayaa soo bandhigay maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii halkaas ka socday maalmihii la soo dhaafay, waxaana saraakiisha Puntland ay sheegeen inay si rasmi u soo afjareen dagaalkii halkaas ka socday.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maxaabiistan la soo qabtay maalinimadii shalay, waxaana caawa fiidkii la geeyay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Maxaabiistan oo gaareysay illaa labaatameeyo dhalinyaro aad u da’yar ayaa waxay u badnaayeen kuwo da’dooda u dhaxeysay 13 illaa 19 jir

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in illaa lix dagaalamayaal ku dileen dagaaladii ka dhacay Togga Suuj, isla markaana ay ku daba jiraan qaar kale oo ka firxaday halkaas.

14-kii bishan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doonyo watay ay ka dageen xeebta Garacad iyo Garmaal, dagaalyahanadan ayaa lagu qiyaasay inay gaarayaan boqolaal, lama oga halka jaan iyo cirib dhigeen kuwa kale.

maxaabis (1)maxaabis (2)maxaabis (3)maxaabis (4)maxaabis (5)maxaabis (6)maxaabis (7)maxaabis (8)maxaabis (9)maxaabis (10)

Waxaa Soodiyaariye Wariye A/qaadir jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS