Sawiro Argagax leh oo laga soo qaaday xeeb kutaala dalka Turkiga (Daawo Sawirada)

  Sunday January 31, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbaahinta caalamka ayaa baahiyay sawiro argagax leh oo laga soo qaaday xeeb kutaala dalka Turkiga, kadib markii ay halkaasi kusoo caariyeen meydadka dad tahriibayaal ah ay ku jiraan caruur aad u da'yar.

Dooni yar ay saarnaayeen in ka badan 100-qof oo u badnaa tahriibayaal u dhashay dalka Siiriya ayaa waxaa la dagtay doontii ay saarnaayeen iyaga oo marayay biyaha dalka Turkiga gaar ahaan meel ku dhaw jasiiradda Lesbos.

Inta la xaqiiiyay doontaasi degtay waxaa ku dhintay 33-qof ay ku jiraan caruur aad u da'yar kuwaa oo medadkooda ay badda soo caarisay, waxaa sidoo kale la bad baadiyay 75-qof, halka dad gaaraya 20-qof oo kalana wali biyaha lagu la'yahay.

Sawirada laga soo qaaday meydadka soo caariyay ayaa mar kale dadka soo xasuusisay caruurtii Siiriya u dhashay ee ku dhintay biyaha Turkiga saadkii hore, kuwaa oo wax badanka badalay dareenka bulshada caalamka kunool, waxaana mar kale lasoo bandhigay sawiro argagax leh oo muujinaya caruur da'yar oo meydadkooda badda soo tufeen.
















































































































WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR





















NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS