Madaxweynaha Kenya oo Sheegay in Ciidankiisu ay sii Joogi doonaan Soomaaliya – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 28, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidankiisu ay baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya, kadib warar maalmahaan soo baxayay oo sheegayay in Kenya ay isaga baxeyso Soomaaliya,

waxaanu sheegay madaxweyne Kenyatta in Dowladdiisu ay ka go’an tahay la dagaalanka Kooxaha argagixisada ah ee Al shabaab, isagoo xaqiijiyay in ay ka sii mid ahaan doona hawlgalka midowga Africa ee Amissom ee Soomaaliya si wadajir loogu ciribtiro argagixisada nabadda u diidan Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.

khudbad si toos ah ay shacabka Kenya uga daawanayeen TV-ga isla markaana uu madaxweyne Kenyatta ka jeediyey munaasabad lagu xusayey askar tii Kenya ee dhawaan kaga geeriyootay Soomaaliya ayuu ku sheegay hadalkaasi.

“Ma ahan waqtii aan dhageysan laheyn codadka guuldarada, dagaal ayaanu qaadnay sababtoo ah danaheena ayaa ku jira, sababtoo ah waxaan rabnaa inaan soo celino nabadda Soomaaliya, waxaan kale oo aan dooneynaa inaan iska difaacno cadawga raba inuu na bur buriyo,” ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Mucaaradka ugu weyn Kenya ayaa ka dalbaday dowlada in ay ciidankeeda jooga Soomaaliya dib uga soo celiso, hase ahaatee hadalka madaxweynaha dalka Kenya ayaa meesha ka saaraya dalabaadka Kooxaha mucaaraddka ee dalkaas ay ku doonayaan in Kenya Ciidankeeda kala soo baxdo Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Al Shabab ayaa weerar ku qaatay 15-ki bishaan xero ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel cadde ee gobolka Gedo halkaas oo ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidanka Kenya kadib Baabuur qaraxya ah oo lagu weeraray xeradaas.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS