Howlgal lagu diley tiro Al-shabab ah oo laga sameeyay Hiiraan – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaasi lagu diley afar ka tirsan maleeshiyaadfka kooxda Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.
Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa maleeshiyaad iskood isku abaabuley oo ah dadka deegaanka, kadib markii ay ka dhiidhiyeen dhibaatada joogtada ah oo alshabab ay u geysanayaan dadka shacabka ah.
Dadka deegaanada howlaglka laga sameeyay ayaa si weyn u soo dhaweeyay, waxayan sheegeen in ay talaabadan ay tahay mid kaga nafisayaan dhibaatada kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha ciidanka xooga dalka, ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan ah si maleeshiyaadka kooxda nabad diidka ah looga dulqaado shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goobahaasi.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS