Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo furay barnaamij wacgelin ah “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta furay Barnaamij wacyi gelin ah oo loo qabtay sagaal Degmo oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Barnaamijkaan wacyigalinta ah ayaa ku saabsan fududeynta iyo hore u wadidda Waxbarashada Madaniga ah oo hirgalinteeda ay iska kaashanayaan Ururka Kaah Relief and Development.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka banaadir ee dhanka siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa la dardaarmay Dadweyne laga soo kala xulay Sagaalka Dagmo ee maanta Tababarka wacyigalineed loo furay, iyadoo lagu kala qabtay Xarumah Dagmooyinka Cabdicasiis iyo Shibis.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo furay barnaamijka wacgelinta ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid ay u baahanyihin bulshada ku nool Muqdisho, isla markaana ay wax badan ka faa’iidi doonaan.

Ururka Kaah Relief and Development Org iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahaan waday qorshe lagu hirgalinayo Waxbarashada Madaniga ah oo Dagmooyinka Gobolka Banaadir laga fulinayo, kaasi oo ay ka faa’iideysan doonaan arday Soomaaliyeed.

DSC09159DSC09162DSC09170DSC09173DSC09177IMG_4496IMG_4502IMG_4521IMG_4522IMG_4529IMG_4531Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS