Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Muqdisho Ka Furay Kulanka Daahfurka Himilooyinka Horumarka Waara – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta furay kulanka himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeyb galeen isu imaatinkaasi xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, mas;uuliyiin ka socday maamul goboleedyada dalka ka jira, iyo marti sharaf kale.

Ahmiyada shirka hanaanka himilooyinka horumarka waara ayaa waxaa lagu gorfeynayaa 17 hadaf oo u baahan in wax laga qabto sida la dagaalanka faqriga,horumarinta Waxbarashada,ka hortaga isbedelka cimilooyinka, iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalkeena hooyo, waxaana hadafka kulankani maanta ka furmay magaalada Muqdisho lagu sheegay in uu yahay fahamka guud ee Himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane C/raxmaan Yuusuf Cali “Ceynte” iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa si faah faahsan kaga hadlay barnaamijkani iyo ahdaafta uu xambaarsanyahay kaddib khudbad ay ka jeediyeen shirkaasi maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in barnaamijkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay umada Soomaaliyeed islamarkaana la tashiyo kale duwan la galin doono oo heer qaran noqon doona, waxaana furista kulankani uu ku sheegay in uu ahaa fahamka himilooyinka horumarka waara ee 2030.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS