Dowladda Sucuudiga oo xiriirka u jartay Iran – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 04, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Cilaaqaadki u dhaxeeyay dalalka Sucuudiga iyo Iran ayaa sii xumaanayay wixii ka dambeeyay markii Boqortooyada Sucuudigu ay dishay Sabtididii la soo dhaafay 47 qofood oo uu ku jiro wadaad Shiico ah oo caan ahaa laguna magacaabi jiray Nimr al-Nimr.

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Adel al-Jubeir, ayaa shalay ku dhowaaqay go’aanka xiriirka loogu jaray Iran, waxaana uu diblomaasiyiinta Iran siiyey inay 48 saac gudahood uga baxaan dalkaas.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa cambaareeyay dibadbaxyo ay magaalada Tehran ka dhigeen dad caraysan oo weerraray safaaradda Sucuudiga ee Tehran iyo qunsuliyadda ku taal magaalada Mashad.

Aayatullaah Cali Khamani Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraanayaa sheegay in uu dhici doono aar goosi ka dhasha
go’aanka degdega ah ee Sucuudi Carabiya ee lagu eryayo diblumaasiyiinta Iiraan, taasoo gaarsiinaya xiriirka sii xumaanayay ee labada dal heerkii ugu liitay.

Dowlada Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay sii wadi doonto inay ku booriso hoggaamiyayaasha gobolka inay qaadaan tallaabooyin xisaadda lagu qaboojinayo.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS