R/wasaare ku xigeenka oo maanta xarigga ka jaray Machadka horumarinta Tamarta iyo Biyaha

  Monday December 28, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta xarigga ka jaray machadka horumarinta tamarta iyo biyaha kaasoo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii furitaanka Machadka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Korontada iyo biyaha mudane Maxamed Mursal Sheekh C/rxmaan oo munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in dhismaha Machadka ay hirgelisay wasaaradda Korontada iyo Biyaha, isagoo tilmaamay in Machada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay ummadda Soomaaliyeed, lana gaarsiin doono dhamaan gobollada dalka.

R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte oo xarigga ka jaray Machadkaasi ayaa hirgelintiisa ku amaanay wasaaradda Korontada iyo Biyaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu machadkani u leeyahay horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Carte ayaa ku dhiirigeliyay wasaaradda ineey dadaal dheeraad ah ku bixiso sidii dib loogu soo nooleyn lahaa dhamaan adeegyadi bulsgada sida Korontada, biyaha iyo wixii la mid ah.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS