Wasiir ku-xigeenka xanaannada xoolaha oo tilmaamay in sanadkan xoolo badan la dhoofiyay

  Saturday December 26, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasaaradda Xanaannada Xoolaha ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatadii ka heysatay dhoofinta Xoolaha, iyada oo Wasaaraddu tilmaamtay in sanadkan gudihiisa dibadda loodhoofiyay in ka badan 5,0000 (Shan kun) oo xoolo ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdinaasir Maxamed Gaarane ayaa tilmaamay in sanadkan xoolo badan loo dhoofiyay dalka dibadiisa, isla markaana ay tahay tallaabo horumar leh oo ay gaartay Soomaaliya, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay sare u qaadaan dhoofinta xoolaha, maadaama ay ka midtahay ilaha dhaqaale ee dalka.

“Runtii xoolaha Soomaaliya dalkeena ammaan darida ka jirtay iyo culeyska xagga amniga waxa ay hakad geliyeen dhoofka xoolaha, balse hadda waxaan ku guuleysanay in aan dhoofino xoolaha, taasi oo ay fursad u tahay dhamaan dadka xoolo dhaqatada ah iyo ganacsatada dooneysa inay xoolo dhoofsadaan, waana tallaabo aan dhiiri gelineyno” ayuu yiri Cabdinaasir Gaarane.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS