WAR DEG DEG: DHAGAYSO Ninkii Miinada ugu Xiray Gaariga Wariye Hindiya oo La qabtay & Naxariisdaradiisa oo

  Sunday December 20, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta sheegtay in Ninkii ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Max’ed oo ka tirsaneyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Colaad Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Qofkii ka dambeeyay Dilkii loo geystay Hindiyo Xaaji Maxamed.

Cabdullahi Colaad Rooble waxaa uu intaa ku daray in dhawaand adka Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba ay la wadaagi doonaan Ninkaasi oo ay soo bandhigi doonaan sida uu sheegay.

Waxaa uu sheegay in Ninka la qabtay uu yahay Ninka ka dambeeyay mu’aamaradda lagu dilay Hindiya oo uu isaga fuliyay dhawaanna lala wadaagayo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada ay ku howlan tahay baaritaanka shaqsigaasi mar dhawna loo soo bandhigi doono Shacabka iyo Warbaahinta.

Alle ha u naxariistee Weriye Hindiya Xaaji maxamed ayaa bilowga bishaan December u geeriyootay dhaawaca ka soo gaaray walxaha qarxa oo gaarigeeda loogu xeray xilli ay ka soo laabatay Mid ka mid ah Jaamacadaha Dalka.



NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS