Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Baydhabo

  Saturday December 26, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kulan looga hadlayay adkeynta ammniga oo ka qeybgaleen Saraakiisha Hay’adaha Nabadgelyada ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Kulankan ayaa loo hadlay sida ugu haboon ee lagu xoojin karo amniga magaalada, kaasi oo ay ka qeyb galeen maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha Nabadgelyada, waxaana kulanka la isku raacay in xilliyada habeenkii ah aan magaalada lagu arkin ciidan aan ahayn kuwa amniga qaabilsan

Taliyaha qeybta lixdanaad ee xoogga dalka ayaa ciidamada xoogga dalka ku armay inaysan xeryaha ka soo bixin xilliyada habeenkii ah, maadaama ciidanka booliska ay habeenkii sameynayaan roondo ay u xaqiijinayaan ammaanka magaalada, si looga hortago kuwa falalka amni darrada ah geysanaya.

Maamulka degmada iyo kan gobolka bay ayaa wada dadaallo lagu xoojinayo ammaanka magaalada, si looga hortago kooxaha falalka amni darrida wada.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS