OPEN LETTER TO PRESIDENT PROF.HASSAN SHIKH

  Thursday July 18, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
OPEN LETTER TO PRESIDENT PROF.HASSAN SHIKH

Waxaan fursaddani kaga fa`ideysanaaya inaan kuu soo jeediyo hambalyada ugu qaalisan loo diro mudane qiimahiisu iyo qaayahissu an lahayn xad iyo xuduud lagu matalo. Mudane madaxweyne Prof.Hassan,shacabka soomaliyeed iyo addunweynahuba waxaa deeqay oona qanciyay howlqabadkagi dhera
iyo halgankaagi muddadii gudcurka uu dadka iyo dalkuba ay ku jireen,sidaasi darteed ayaa waxaan gartay inaan ka shacab ahaan wax yaro talo ah inaan ku biirsado fikradeeda maadama aan hubo inaad tahay qof jecel inuu dadkiisa kala tashado wanaaga dalka.
Arrimaha Ammaanka:
waxaan shaki ku jirin 22kii sano ee dagallada sokeeye iyo dowlad la`antuba ay noqdeen murugo iyo walaac ka baxsan xad lagu sabro, aad ugu baahay dalkeena iyo dunida oo idil,ilaa heer uu caalamku dareemo qatarta ku soo fatahi doonta mustaqbalka dambe;taaso keentay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro qaabka dowladnimo ee ku meel gaarka ah(qatarta waad garan karta ee faafahin uma baahna). Dalku madaama uu ka hirgalayo nidaam ku salaysan qaabka federalka ah,waxaa haboon inay deegamada iyo gobollada ay dowladda horey u xureysay&kuwa ku sii xigaba ay dhinaca sugidda amnigooda ay ka howl galaan dadka u dhashay deegaanka & AMISOM . In deegamadaasi laga abuuro guddi gaar u ah dhinaca ammaanka oo uu ka kooban yahay qabiilka ama qabiilada ku dhaqan ,lagana ilaaliyo qaswadayaasha oo adeegsada magaca qabiilka laakin aanan degganayn ama ka wadan kalsooni qabiilka ama qabiiladaasi . In deegamadaasi laga abuuro guddiyoka shaqeeya xoojinta xiriirka guud ee saameya sugudda ammaanka guud ee gobolkaasi amase loo yaqaan (coordinators);isla markaasina la abuuro xaruumo lagu xoojinayo qiimaha ay nabadduuleedahay dalka iyo Warbaahin aan daahneyn in lagu baraarujiyo dadka inayka hortagaanqof allale iyo qof adeegsanaaya falal liddi ku ah maniga guud deegaamadooda iyo xiriirka guud gobollada deriska la ah deegamadooda si looga hortago cadowga nabadda dalka iyo dadkaba. Abuuris xaruumo lagu hanuuniyo dadka iyo dhallinta sidii loga hortegi laha cadowga adeegsada diinta oo uu dan gaar ah ku fushado. Guud ahaan waa howl aad u dhib badan,laakin waxaa sahal ka dhigi kara haddi ay dowladda adeegsato dadka wata kalsoonida tolka. waayo haddi kale waxaa lumi karta KALSOONIDA SHACABKA,taaso dhalin karta DAGAALLO YAR-YAR oo ku sii fidaaya fowdada guud. Waxaan kula talin lahaa inay dowladda xoogga saarto muujinta AWOODEEDA,iyado adeegsanaysa CADDAALAD,SINNAAN&UNITY.
Siyaasadda waa murayadda shacabka,madaxduna waa MUUQAALKA &SUMCADDA SHACABKA,sidasi darteed iyo tixgelinta dhaarta waa caddeymo qiraya AAMINSANAANTA DIINTA,taasina haddi laysku been dhaarto KITAABKA waxaa faraha ka baxaysa DIINTA. Dowladdu waa inay ahaata HORMUUDKA simidda SHACABKA oo u kala qeybiya XAQQOODA si nadiif oo sal u ah dacadnimo,si loo soo celiyo kalsoonidii iyo walaaltinimadi luntay ee qabiiladii soomaaliyeed.Xaqiraadu waa inay DHAMAATAA. Dib u heshiisiin dhab ah in loo fidiyo DADKA AY QABIILADU DOORTEEN,waayo dalku waa qabiilo isu tagay oo leh DASTUUR, oo qeexaaya awoodaha iyo xiriirka awoodda iyo qaabka u hoggaansanaanta shuruucda DOWLIGA ah. Haddi cidweliba ay ku ekaan lahayd XAQEEDA,qabiilweliba ku ekaan lahaa deegaankiisa maanta ma jiri lahayn dagaalka sokoye iyo is-qaqabsi qabiilo ama jiffoyin qabiileed. Nidaamka dowliga ahna wuxuu adeegsada ilaha RUNTAah maadaama ay DOWLADDU metesho shacab nadiif ah,waxaan ka filayno dhinaca dowladda waa ka tarjumidda shacabka soomaliyeed inay yihiin dad ah:aamin,daacad,caadil,nabaddoon,wadani,xaqdhowre
sharci iyo dhaqan,hidde iyo DIIN. Sharafta shacabku uu ugu dhiibay mas`uuliyaddasi waa inay ilaaliyaan MAS`UULIYIINTAaad adiga ugu HORREYSID.
MAHADSANID
RAMADAAN KARIIM

POLITICAL ADVISER D&M IN U.K. .

ENG.MOHAMUD H.ALIYOW IBROW

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS