Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Isgoysyada Wadooyinka Muqdisho

  Sunday July 22, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Isgoysyada Wadooyinka Muqdisho

Iyadoo xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ee Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho la furo, ayaa saaka waxaa la qaaday Ciidamadii ku sugnaa Isgoysyada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii ku sugnaa Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiino, Florence H/wadaag, Bakaaraha illaa Tarbuunka laga qaaday, ma jirto ciidamo jooga isgoysyada Wadada Wadnaha, sida ay dad goobjoogayaal soo sheegayaan.Ciidamada Xasilinta ee ku sugnaa inta badan isgoysyada Wadada Wadnaha iyo waddooyinka kale ayaa laga qaaday, waxaana si caadi ah oo sahlan u socda isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ay maalmihii la soo dhaafay meelaha qaar oo ay ciidamada joogeen aad u adkeyd.

Inkastoo ay muuqato inay dhaqan gashay qeyb ahaan go’aankii Guddiga Amniga Qaranka ee ahaa in la furo waddooyinka xiran, hadana waxaa xiran waddooyinka jid cadayaasha ee gala Maka Al-Mukarama.

Wadada maka Al-mukarama ayaa waxaa weli ku sugan isgoysyada qaar ciidamadii Booliska ee horay u joogay, iyana xaaladeeda saaka waa caadi.

Shacabka Muqdisho ayaa cabashada ugu badan ka keeni jiray waddooyinka qaar oo la ogol yahay kaliya bixid, balse aadan dib u soo laaban karin, taasoo dadka gaadiidka wata ay dhib badan kala kulmi jiraan soo laabashadooda.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS