araakiisha ciidanka xoogga dalka oo sheegay inay burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ku diyaarinayeen Qaraxyo

  Sunday July 22, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
araakiisha ciidanka xoogga dalka oo sheegay inay burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ku diyaarinayeen Qaraxyo

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyada oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.


Waxaa uu sheegay in gacanta lagu haayo dadkii diyaarinayay qaraxyada, isla markaana uu socdo howl gallada ka dhanka ah ShabaabkaTaliyaha Ururka 15aad ee qeybta 12-ka April G/sare Maxamed Maxamuud Guutaale ayaa sheegay in howl gallo ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ku burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyada.

Sidoo kale waxaa uu xusay in la gaaray xilligii Al-Shabaab laga saari lahaa dalka, waxaa uu xusay in deegaanada Gandarshe iyo Jilib Marka ay ka mid yihiin meelaha ciidamada ay dhowaan ku wajahan yihiin.

Ciidamada xoogga dalka iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa howl gallo ka waday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, waxayna inta badan howl galada ahaayeen kuwo lagu qaado saldhigyada Shabaab iyo goobaha ay kaga sugan yihiin Gobolka.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS