Daawo Sawirada: Qarax la doonayay in lagu dilo Sargaal Ciidan oo la Fashiliyay

  Saturday July 21, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Daawo Sawirada: Qarax la doonayay in lagu dilo Sargaal Ciidan oo la Fashiliyay

Ciidanka Nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay qarax miino nuuca baabuurta hoosta looga dhajiyo oo la doonayay in lagu dilo sargaal katirsanaa ciidankaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in hoosta looga xiray gaari yar uu lahaa sargaal katirsan Ciidanka Nabad sugida maamulka Jubbaland gaar ahaan qeybta ka hortaga qaraxyada, waxaana gaariga la arkay xili uusan sargaalka loogu dhajiyay uusan kaxeesan gaariga.

Ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ayaa ku guuleestay in qaraxaasi kala fur furaan, mana jiro cid loo soo qabtay in qaraxaan gaariga ku xirtay ay soo bandhigeen ciidanka Nabad sugida Jubbalabd.

Qaraxyada miino ee hoosta looga xiro gaadiidka ayaa inta badan lagu weeraraa saraakiisha ciidanka iyo dadka u shaqeeya dowlada, waxaana inta badan qaraxyada nuucan ay waxyeelo kasoo gaartaa darawalka wada gaariga qaraxa lagu xiro.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS