Maxkamadda Ciidamada oo xukun xabsi ciidan ku riday 18 askari lagu eedeeyay inay wadeen falal…

  Thursday July 19, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maxkamadda Ciidamada oo xukun xabsi ciidan ku riday 18 askari lagu eedeeyay inay wadeen falal…

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xabsi ciidan oo min shan sano ah ku riday illaa 18 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada xukunka lagu riday ayaa ka tirsanaa Guutada 14 October, kuwaasoo la aas aasay kaddib qaraxii Zoobe ee 14 October ee sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ayaa askartan ku soo eedeeyay inay ciidamada dhexdooda ka dhex abuureen qalqal, arrimo qabiil iyo falal kale oo ka baxsan anshaxa ciidanka.

Dhageysiga dacwada askarta ayaa maalmihii la soo dhaafay socday, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah askarta ay qirteen falalkii ay ku guda jireen, sida uu sheegayG/lle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan oo loo yaqaano Waabiyo oo ka tirsan Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaada kiisaska la xiriira fal dambiyeedyada ay galaan ciidamada kala duwan iyo dadka ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS