Guddoonka Golaha Shacabka Oo Go’aan Kasoo Saaray Maqaamka Caasimadda ,,WARSAXAAFADEED

  Saturday January 20, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Guddoonka Golaha Shacabka Oo Go’aan Kasoo Saaray Maqaamka Caasimadda ,,WARSAXAAFADEED

waxaa baryahaan lahadalhayay in laqabandoono shirweyne looga hadlayo maqaamka ay yeelandoonto caasimadda soomaaliya ee muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan uu maanta soo saaray kaga hadlay cida iska leh go’aan ka gaarista maqaamka caasimadda Dalka.

go’aan gaarista maqaamka caasimadda ayaa lagu sheegay in loo raacayo sida uu dhigayo qodobka 9-aad ee Dastuurka.

Sidoo kale, guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in golaha shacabku leeyahay awoodda mataaladda shacabka Soomaaliyeed sida uu qabo qodobka 63-aad ee dastuurka, loona baahan yahay in lagu xormeeyo gudashada waajibaadkiisa.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in la dhowro dastuurka iyo Dowladnimada,ka go’aan gaarista maqaamka Caasimaduna ay tahay awood gaar u ah Baarlamaanka.

Go’aanka Guddoonka Golaha Shacabka Hoos Ka Akhriso:-


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS