Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo oo ka socda Cadaado

  Monday January 15, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo oo ka socda Cadaado

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug ayaa sheegaya inuu ka socdo diyaar garow lagu soo dhoweynayo wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in saacadaha soo socda ay gaaraan.

Boqolaal dadweyne ayaa ku sugan wadada Cadaado iyo agagaarka Madaxtooyada Galmudug, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Sawirka Madaxweynaha ayaa laga taagay hareeraha waddooyinka iyo baalayaasha, waxaana diyaar garowga u socdaa si heer sare ah.

Wariyeyaasha ku sugan Cadaado ayaa soo sheegaya in boqolaal haween ah oo ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka, dharka calanka ayaa taagan waddooyinka, si ay u soo dhoweeyaan Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafddiga uu hoggaaminayo oo safar dhulka kaga soo ambabaxay Gaalkacyo ayaa goor dhow ku wajahan Cadaado, waxaana la filayaa inay caawa ku hoydaan Cadaado, kaddibna ay u gudbaan magaalada Dhuusa Mareeb.

Dhinaca kale Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa waxaa ku qul qulaya wafuud isugu jira Xildhibaano, oday dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada, kuwaasoo ka qeyb galaya shirka lagu mideynayo Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug oo bishii hore heshiis gaaray, waxaa shirka ka qeyb galaya Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS