Maamulka Degmada Wanla weyn oo dhagax dhigay xarunii maamulka “SAWIRRO”

  Saturday April 16, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka bilaabay howlo dib u dhis ah iyo gelinta nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha degmada Wanlaweyn, iyadoo maamulka uu dhagax dhigay xarunta uu ku shaqeeyo maamulka degmada iyo suuqweyn oo loogu tala galay in ay ku ganacsadaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Howlahan dib u dhiska ah iyo gelinta nalalka ku shaqeeya ileyska ayaa looga gol leeyahay in lagu soo celiyo bilicda Degmada Wanlaweyn si loo dar dar geliyo howlaha lagu horumarinayo degmada.

Malaaq Cumar Daa’uud iyo Nabadoon Abuukar Mayoow oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay howlahan lagu horumarinayo degmada Wanlaweyn, iyagoona ka codsaday dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka koofurgalbeed in ay gacan ka geystaan sidii loo hormarin lahaa howlaha ka soconayo degmada.

Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in howlahan ay iska kaashanayaan maamulka iyo qeybaha bulshada ee degamda, si loo hirgeliyo adeegyada aas aasiga u ah bulshada degmada ku nool.

sawir 1sawir 2sawir 3sawir 4sawir 5sawir 6sawir 7

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS