SAWIRRO Kulan looga hadlayay Xagjirnimada oo lagu qabtay Islii Nairoobi

  Saturday April 16, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Culimaa udiinkani oo ka kala yimid waddamada Mareykanka iyo Koonfurafrika iyo kenya ayaa waxay kulan diimeed Muxaadarooyin ah kuqabteen masjidu saxaaba oo ku yaala waddada 12 aad ee xaafadda ay soomaalida dagto ee Islii iyadoona ay ka qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimidxaafadahaasi.

Culimaa udiinkii muxadarooyinka ka jeediyay halkaasi ayaa waxa ay kahadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan diinta islamka waxa ay ka qabtoxagjirnimada,tahriibka,Amaanada diinta iyo xaaladda guud ee dalka.

Sh.saalax macalin cabdulahi iyo shariif cabdulaahi oo ah imaamkamasjidka oo ka mid ahaa Culimaa udiinkii muxadarooyinka ka jeediyayhalkaasi ayaa waxa ay sheegeen al shabab waxa ayugu yeereen jihaadka uusan sal iyo raad ku lahayn diinta islaamkaiyagoona ugu baaqay inay ka ka towbad keenaan dhalinyada wali aaminsanfikirka qaldan ee Alshabab.

Sheekh Saalax”Nimanka shabab ee umada dhibaateeyay maxay ku dagaalamayan oo ay sheeganayaan waa diin,dad culimo sheeganayo ayaa ka shaqeeyay ilaa hadana wada,waa dadka ayagu naftooda dilay waxa ay ku goynayana aan garaneyn.

waxa dhibatada keenay ee laga hadlayo ee loo taaganyahay sidee nabad galyo loo helayaa waaye,taana waxaa keenta fahamka iyo fikirka qaldan ee asalkiisa islamka loo tirinayo ee diintoodi ka tagay ay sameeyeen marka waa in laga digtoonaadaa”

Shariif Cabdulahi”Dilka waa iska dhacayaa kan wax dilaya baan ogeyn waxa uu umada uleynayo,kan la dilayana ma oga sababta loo dilay,sababtana waxay tahay qofka waa lagu shaqeysanaa,dad baa dagaal la geliyay muslimintii ayaa lagu leynayaa,ciyaal ayaa lasoo kaxeynayaa waxad aragteen ayaa dhacayo waana fikir qaldan oo laga dhaadhiciyay”

Sheekh Cali nuur oo isna ka hadlay shanta daruuriyaad ee diintaislaamka ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay tahriibka oo uusheegay in aysan banaaneyn in qofka uu naftiisa haligo.

“dadkan waan tahriibeynaa leh ee doonyaha isku ridaya ee saxaraha ku dhamaanayo iyagoo aan diin raadineyn oo aduunyo un raadinayo,naftiina inaad halaagtaan alle idinma ogola,ciqaab qaasna way leedahay ee Soomaaliyeed Alle kabaqa”

Kulan diinmeedkani oo ay Culimaa udiinka ugu talo galeed inay wacyigeliyaan bulshada Soomaaliyeed ku dhaqan kenya ayaa dadweynihii kaqeyb galay waxay culimaa udiinka weydiiyeen Su’aalo dhowr ah oo ayjawaabo ka bixiyeen Culimaa udiinka.​

IMG_7263IMG_7264IMG_7268IMG_7273IMG_7277IMG_7292IMG_7293IMG_7294IMG_7297IMG_7303IMG_7311IMG_7312IMG_7313IMG_7316


WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS