Daawo Sawirada'' Diyaaradaha Dagaalka Ruushka oo Khal khal galiyay Maraakiib Dagaal oo Mareykanku lahaa'

  Friday April 15, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Ruushka oo nuucoodu yahay Sukhoi Su-24 ,ayaa khal khal iyo cabsi ku beeray Maraakiib dagaal ay leedahay Dowlada Mareykanka, kadib markii ay diyaaradahan kusoo dhawaadeen ayna dushooda mareen.

Dowlada Mareykanka ayaa si kulul u canbaareesay tilaabadan ay Diyaaradaha dagaalka Ruushka ugu soo dhawaadeen Maraakiibtooda dagaalka, waxa ayna Dowlada Mareykanka sheegtay in tilaabada ay qaadeen Diyaaradaha Dagaalka Ruushka ay keeni kartay isku dhac iyo khatar balaaran, waxa ay xustay Dowlada Mareyakanka in duuliyaasha Diyaaradaha dagaalka Ruushka ay iska indho tireen digniino la siiyay.

Maraakiibta Dagalaka Dowlada Mareykanka ayaa kasoo shiraacday Dekad kutaala Waqooyiga dalka Poland ,waxa ayna marayeen Maraakiibtan xiliga diyaaradaha dul marayeen meel u dhaw xaduuda Poland iyo Ruushka.

Dhinaca kale Wasaarada Gaashaandhiga Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradahooda dagaalka ay sameenayeen duulimaad sharci ah wax khalad ahna aysan geesan, waxa ayna Wasaaradu tilmaantay in Diyaaradahooda ay dul marayeen Biyaha Caalamiga ee u dhaxeeya Ruushka iyo Poland.

Maraakiibta dagaalka Mareykanka ayaa ka qeyb qaadanayay dhoolo tus ay si wadajir ah u sameenayeen Ciidamada Badda Mareykanka iyo kuwa Poland, waxaana Dowlada Poland xiisad kala dhaxeysa Dowlada Ruushka.














































































































































































WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS