Burcad badeed Soomaali ah oo Faransiiska lagu xukumay

  Thursday April 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Todobo dhalinyaro Soomaali ah ayaa maxkamadda ku taala dalka France, waxaa ay ku xukuntay xabsi u dhaxeeya lix ilaa 15 sano maalintii Arbacadii kadib markii lagu heley dambi ah dil iyo afduub oo dhacay sanadkii 2011 gacanta Cadmeed.

Farxaan C/salaam Xasan iyo Axmed C/laahi, ayaa lagu xukumay muddo 15 sano ah maadaama maxkamaddu ay sheegtay in ragan ay ahaayeen hogaamiyeyaasha kooxdan, halka Farxaan Maxamuud Abshir lagu riday xukun ah lix sano isla markaana xanuun dhanka maskaxda ah la soo derisay mudadii uu xirnaa sida laga soo xigtay qareenkiisa.

Christian iyo Evelyne Colombo oo ahaa lamaane u dhashay dalka France, waxaa ay ku guda jireen socdaa dhanka badda ah oo ay aduunka oo dhan ku marayeen ayagoo kooxo burcad badeed ah ay ka afduubeen badda cas sanadkii 2011.

Christian ayay dileen kooxdii kadibna badda ayay ku tureen, waxayna kaxaysteen haweeneydii taas oo ay heysteen muddo 48 saac ah ka hor inta aan si qasab ah kaga soo furanin ciidanka militiriga dalka Spain oo qeybta ka ah howlgalka midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya.

Ciidanka dalka Spain, ayaa todobadan nin waxaa ay ku wareejiyeen dowladd France.

“Way adag tahay in la fahmo sababta ay maxkamadu go’aankan u gaartay iyo waxa ku dhiirigeliyay, 15 sano waa xukun culus,” ayuu yiri Augustin d’Ollone, oo ah qareenka Cabbdullahi.

Qoyska Colombo, waxaa ay sheegeen in xukunkan uusan aheyd mid si cadaalad ah u dhacay maadaama sida ay aaminsan yihiin xukunka loo khafiifiyay kooxdan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo heystay burcad badeednimada ayaa maxkamadda ka codsaday in la cafiyo maadaama wadanka Soomaaliya ay sheegeen in aysn ka jirin fursado shaqo oo ay dhalinayarada nolashooda ay ku maareeyaan.

Iyadoo qareenada u doodayay dhalinyaradan Soomaaliyeedna ay sheegeen in sababta ku kaliftay in ay noqdaan burcad badeed ay tahay dhibaatada mudada dheer ka jirtay Soomaaliya.

Xukunka ay maxkamadu ku riday dhalinayarada ayaa laga jari doonaa mudadii ay ku jireen xabsiga taas oo ka dhigan in kuwo lagu xukumay lixda sano ay hadda ugu harsan tahay xukunkooda hal sano oo kali ah.

Falalka burcad badeednimada ah ayaa hoos u dhacay kadib markii ciidanka la dagaalanka burcad badeeda ee midowga Yurub howlgal ka bileebeen xeebaha Soomaaliya ee loo yaqaano “Atanate”, waxayna howlgalku sheegay in sadexdii sano ee la soo dhaafay in aysan dhicin wax weerar ah oo lagu qaaday markab marka loo barbardhigo sanadkii 2010 oo 47 weerar ay geysteen kooxaha burcad badeeda.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS