Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis iskaashi wada gaaray-Sawirro

  Thursday April 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Cumer Xassan Axmed Al-Bashir ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee dalka Suudaan.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal , iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimahaasi.

Iskaashiga labada dal ay xoojinayaan ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga amniga, dhaqanka, waxbarashada, tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Al Bashir , shacabka iyo dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen Soomaaliyaxilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageeradaasi.

Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya ay sannadkan ka dhacayaan doorashooyin , taasina ay ka marag kaceyso, horumarka laga sameeyay dhanka dowlad dhisidda, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay ku soo dooranayaan hoggaankooda.

Madaxweyne Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isagoo sheegay in Suudaan ay taageeradeeda Soomaaliya sii wadeyso ilamaa ay Soomaaliya dib cagaheeda isu taageyso.

Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu dhowaan arkoSoomaaliya oosi buuxda amnigeeda ula wareegta, taasina ay dhabbada u xaari doono horumarka dalka.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in labadooda dal aytusaale u noqdaan gobolka, kana shaqeeyaan horumarka, xasiloonida iyo amniga.

DSC03037

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS