WAR DAG DAG AH Dadaallo lagu daminayo dabxoogan oo ka kacay inta udhexeysa Dekadda iyo Xabsiga dhexe oo socda

  Wednesday April 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Dab xoogan ayaa ka kacay inta u dhexeysa xabsiga dhexe ee Xamar iyo Dekadda caalamiga ah ee Muqdisho.

Agaasimaha Waaxda Dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar Cabdullaahi Maxamed Saneey oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay ku howlanyihiinta daminta dabka.

Agaasimaha ayaa sheegay in dabka uu ahaa mid xoogan, isla markaana uu socday muddo ka badan labo saacadood, waxaana uu intaa ku daray in dabka uu ka bilowday qashin yaala inta u dhexeysa dekadda iyo Xabsiga dhexe ee Xamar.

Ilaa iminka lama damin dabka, balse waxaa socda dadaallo ku aadan sidii dabka loo baqtin lahaa, isla markaana loo yareyn lahaa in uu geysto qasaare lixaad leh.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

Kala soco radiomuqdisho.net wixii ku soo kordha

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS