Daawo Sawirada'' Shirka Maamul U sameynta Sh/Dhaxe iyo Hiiraan oo Goordhaw Furmaya iyo Wasiiro gaaray Magaalada ..

  Tuesday April 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi maanta gaareen Wasiiro katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya , waxaana wafdigan si diiran Jowhar ugu soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe iyo Waxgarad.

Wafdiga Wasiirada waxaa Hogaaminaya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa , waxaana wafdiga ku jira Wasiirka Amniga Qaranka iyo Wasiiro kale oo katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wasiiradan ayaa ka qeyb galaya Wajiga labada ee shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo goordhaw la filayo in uu si rasmi ah u furmo, waxaana qaban qaabada furitaanka Shirkan uu hada kasocdaa magaalada Jowhar.

Xarunta Shirka ka furmayo waxaa hada ku sugan Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah waxgaradka labada Gobol ee shirka ka qeyb galaya kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Jowhra.
















































































































































WAXAA IDIN SOO DIYARIYE
WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS