War dag dag ah qarax kadhacay Magalada muqdisho Gar ahaan Dagmada Xamar weeyne Bangi Salama

  Monday April 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Waxaa Daqiiqado yar kahor qarax aad u xoogan uu ka dhacay agagaarka Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir Fisha Governo ee Degmada Xamar Weyne, waxaana qaraxan ka dhashay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.


Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah maaalada Muqdisho, waxaana warar horudhac ah aan helnay sheegayaan in qaraxa uu ahaa gaari Waxyaabaya qaraxa laga soo buuxiyya kaa oo ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Gobolka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore Maqaayada Al-Hindi oo kutaala agagaarka Xarunta gobolka Banaadir, waxaana qaraxan ka dhashay qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oon tiradooda wali si rasmi ah loo ogeyn.


Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa kusii qul qulaya aaga Xarunta Gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale halkaasi gaaray Ciidamo isugu jira Nabad Sugida Qaranka iyo booliiska kuwaa oo xiray wadooyinka gala xarunta Gobolka Banaadir.

Wali si dhab ah looma oga in qaraxa lagu bartilmaameedsaday xarunta Gobolka Banaadir iyo in qaraxa lala eeganayay Maqayaada Al-Hindi oo ku dhaw xarunta Gobolka Banaadir, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Wariye A/qaadir jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS