Dabdamiska Gobalka Banaadir Oo ku Guuleystay daminta Dab ka kacay Isbitaalka Banaadir

  Monday March 21, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
????????????????????????????????????

Fiidnimadii caawa ayaa dab qasaare geystay waxa uu ka kacay Qeybta Keydka Dawada ee cusbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee Magaalada muqdisho.

Agaasimaha Waaxda Debdamiska Dowladda Hoose Mudane C.llaahi Maxamed Saneey oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa noo xaqiijiyay in dabka uu baabi’iyay laba baqaar oo dawada lagu keydiyo Sideed kalana ay kooxda deb damiska gobalka Banaadir ku guuleysteen in ay ka badbaadiyaan inta uusan Dabku ku fidin.

“Waqti Dambe ayaa nala soo gaarsiiyay in uu dab qabsaday baqaarada lagu keydiyo dawada ee cisbitaal Banaadir, si deg deg ah ayaan uga jawaabnay, nasiib darro farriinta oo waqti uu dabku qasaare geystay ayaan goobta gaarnay, waxaan ugu dambeen ku guuleysanay in qasaaraha dabka aan ku koobno labada baqaar oo mid kamid ah uu horteen basbeelay”Sidaasi waxaa ku warramay Mudane Saneey.

Agaasimaha waaxda Debdamiska Dowladda Hoose ayaa sheegay in dabkaasi loo maleeynayo in uu sababay Qalad ka dhashay dhinaca Korontada.

Sidoo kale Agaasimaha Ayaa sheegay in 24 uu heegan ay ku jiraan shaqalaha waaxda Debdamiska Dowladda Hoose ee xamar ayna ku baraarujinayaan bulshada soomaaliyeed in marka musiibooyinka noocaan ah ay dhacaan si degdeg ah ula soo xiriiraan waaxda Degdemiska Gobalka Banaadir.

Wariyaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Ayaa Goobta Gaaray waxaana idiin ballan qaadeynaa in Bogga Radio Muqdisho uu idiin soo gudbin doono Sawirada Goobaha uu Dabku Qasaaraha Gaarsiiyay.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS