Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab oo saaka mar kale ka qarxay deegaanka Suuj

  Thursday March 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maarso 17 (Jowhar)— Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo dagaalyahanadii Shabaabka ahaa ee maalmo ka hor ka degay deegaanada xeebta ee Puntland ayaa saaka mar kale ka qarxay deegaanka Suuj ee ka tirsan Gobolka Nugaal, iyadoo dagaalka saaka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida wararku sheegayaan dagaalka oo shalay galab istaagay, ayaa waxaa labada dhinac tan iyo xalay isu adeegsanayeen rasaas goos goos ah, waxaana Ciidamada Puntland ay madaafiic ku gaaracayeen dhufeysyada ay galeen dagaalyahanada Shabaab oo ah togga Suuj oo ku dhow deegaanka Garmaal.

Ciidamada Puntland ayaa wali u suura gelin inay galaan aagga Suuj oo ah goob dhagxaan iyo godod leh, isla markaana ah goob lagu dhuumaaleysan karo, waxaana tan iyo shalay ay ku gaaracayeen madaafiic.

Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegaya inay ku gacan sareeyaan dagaalka, ayna isku dayayaan in 72-ka saac ee soo socda ay soo afjari doonaan.

Abaabulo xoogan ayaa tan iyo shalay ka socday deegaano ka tirsan Puntland, waxaana gurmadyo ku qul qulayeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari iyo NUgaa;

Dhinaca kale deegaano ku dhow dhow Bandar Bayla ayaa ah mid degan, halkaasoo iyana ka mid ah goobaha ay gaareen dagaalyahanada Shabaab, waxaan iyana halkaas ka jirta xiisad, kadib markii Ciidamada Puntland ay gaareen halkaas.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS