Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo Kuwait kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

  Monday March 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo socdaal shaqo ku tegay dalka Kuwait ayaa waxaa magaalada Kuwait city kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kuwait oo ay isla meel dhigeen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan.

Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo wafdi la socday markii uu gaaray dalka Kuwait waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait oo uu ugu horeeyo ku-xigeenka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait ahna qunsulka safaaradda Abiib Muuse Faarax iyo xubno kale.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa ugu horeyn la kulmay Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah oo ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kuwait, kaasi oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay dib u furan lahaayeen safaaradda Kuwait ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu Wasiir Cabdisalaan Hadliye la kulmay Jaber Mubarak Al-Hamad Al-Sabah oo ah Ra’iisul wasaaraha Kuwait oo ay ka hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan dalka Kuwait ayaa tilmaamay in kulamada uu la qaatay madaxda Dalka Kuwait ay guul ku soo dhamaadeen, isla markaana ay balan qaadeen inay mashaariic kala duwan ka hirgelin doonaan Soomaaliya.

“Madaxda aan la kulmay ee dalka Kuwait waxay ii balan qaadeen in tacliinta sare ee dalka ay wax ka qaban doonaan, labo bil ay dalka Kuwait ku qaban doonaan shir caalami ah oo lacag loogu uruurrinayo ardayda Soomaaliyeed, iyo in deymaha lagu leeyahay Soomaaliya laga cafiyo, si ay u hesho deymo hor leh, waxaan kaloo ka wada hadalnay sidii xagga ganacsiga la isaga kaashan lahaa” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

1234

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS