Kulamo lagu xoojinayo amniga oo ka socda Wanlaweyn

  Saturday March 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kulamo lagu xoojinayo isdhexgalka bulshada iyo Hay’adaha ammaanka ayaa ka soconaya degmada Wanlaweyn, halkaasi oo uu booqasho ku joogo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose,

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali ayaa sheegay in kulamadan uu yahay sidii shacabka deegaanka iyo laamaha amniga ay u wada shaqeyn lahaayeen, waxaana uu intaa ku daray in kulamada ay ka soo bixi doonaan go’aanno ku aadna sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac.

“Kulumadan waxa ay yihiin kuwa lagu xoojinayo wada shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo laamaha amniga, shirarka ayaa weli noo socda, jawiga degmada aad bay u degantahay, xaaladaha ammaan ee degmadana waa mid la isku haleyn karo”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tilmaamay in hay’adaha amniga ay ka dhageysanayaan tallooyinka ku aadan sida lagu xoojin karo Nabadgelyada, isla markaana wax looga qaban lahaa jidgooyo ay ka cawdeen bulshada deegaanka iyo wada yaasha gobolka ka shaqeeya

By jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS