Jaamacadda Carabta oo ku baaqay in la qaado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

  Saturday March 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maarso 12 (Jowhar)— Wasiiradda Arrimaha dibada Jaamacada Carabta ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Kulankii 145aad ee Wasiiradda Jaamacadda Carabta ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagu taageerayo dadaalada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada laga gaaray.

Sidoo kale Wasiiradda Arrimaha Dibadda ayaa soo dhoweeyeen heshiiska lagu gaaray hanaanka doorashada ee sanadkan 2016 ka dhaceysa Soomaaliya, taasoo ay ku tilmaameen aragti wanaagsan.

Waxaa ay ugu baaqeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inay qaadaan xayiraada dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya, si ay ugu suurta gasho dhismaha Ciidamada qaran ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacada Carabta ayaa ayaa ku baaqay in la fuliyo balanqaadkii sanadkii hore ee Soomaaliya loogu deeqay lacag gaareysa 10-milyan oo dollar.

Ugu dambeyn waxaa ay ku baaqeen in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, si ay u hesho taageerada caalamiga ee la siinayo.

BY jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS