Dhibaatooyinka dhanka nolasha ah oo heysata qaxootiga Dhadhaab

  Thursday February 04, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wararka laga heleyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerooyinka Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in dhibaatooyin dhanka nolasha ah ay la soo daristay dadkaasi, kadib markii hey’adihii qaxootiga caawin jirey ay jareen qeyb kamid ah kaalmadii dadkaasi la siin jirey.

Inkastoo dhowaan ay balan qaad sameeyeen gudi midowga Yurub ka socday oo halkaasi kol dhoweyd booqaday kaas oo ahaa in ay soo celin doonaan qeybtii laga jaray qaxootiga ayaa hadana jirin wax balan qaadaasi ka dhaqan galay.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee Dhadhaab, Maxamed Nuur Maxamed C/laahi, ayaa soo sheegaya in dadka Soomaaliyeed oo qaarkood muddo ka badan 25 sano ku jiraan xerooyinkaasi ay sidoo kale heysato caafimad daro.

Dhanka nadaafadda xerooyinka ayaa sidoo kale ah caqabad kale oo la soo gudboonaatay dadkaasi ku nool xerooyinka Dhadhaab ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS