Daawo Sawirada '' Wiil Soomaali ah oo Dalka Sweden Gabar ku dilay oo Maxkamad kasoo hor muuqday

  Friday January 29, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maxkamad ku taal magalaada Gothernberg ee dalka Sweden ayaa maalintii shalay waxaa lasoo taagay wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu midi ku dilay gabar ka shaqeeneysay xarun lagu xanaaneeyo caruurta aan waalidkood la socon.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Khaliif Nuur, waxa uuna ku eedeesan yahay in midi uu ku dilay gabar 22-sano jir ah aslakeeduna uu kasoo jeedo dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Alexandra Mezher.

Maxkmada ayaa su'aalo waxa ay ka wdeediisay dilka uu ku eedeesan yahay Yuusuf Khaliif Nuur, hasa ahaatee wiilkan ayaa diiday in uu jawaabo waafi ah ka bixiyo dambiga loo heeso, waxaana maxkamdu markii dambe amartay in qol xiran dacwadiisa lagu dhageesto.

Qaadiga qaadayay dacwada Wiilkan Soomaaliga ah ayaa amray in xabsiga dib loogu celiyo wiilkan ilaa 11-Febraayo inta laga soo dhameestirayo baaritaanada ay ciidanka booliiska ku sameenayaan kiiskan dilka ah.

Waxaa jira shaki laga qabo da'da uu wiilkan sheegtay oo 15-sano jir, waxaana wiilkan la sheegay inuu leeyahay gar iyo shaarbo,waxa ayna ciidanka baarayaan taariikhdii hore wiilka Soomaaliga ah ee dilka ku eedeesan.




























































































































Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS