Senior Political Adviser D&M in U.K. .Eng.Mohamud H.Aliyow Ibrow

  Monday July 08, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waayahan dambe waxaan websiteyada ka akhristaa,arrimo aad u xiiso leh,oo ku wajahan sidee looga bixin karaa dhibaatada joogtada u noqotay Qowmiyadda DM ? Waa su`aal oo u baahan jawaab deg-deg ah iyo Action Plan in sida dhaqsaha ah la qaado loo baahan yahay,kaaso waajib muqaddas ku ah qof kasto u dhashay DM.

Anigoon dhinacna saarin eedda iyo cidda sabab u ah inay DM noqoto xubin aan heli karin wixii xaq ay ku leedahay qaabka 4.5 ee lagu soo dhisay DKMG ee Somalia,bal
dib aynu ugu noqonno,maxay ahaayeen qabiillada DM gumeysiga ka hor,iyo wixii ka dambeeyey,sababto ah waa inaan ugu horreyntii garanna halkee buu dhibka ka yimid.
Qarnigii 19naad,ka dib waxaa dalkeena cagaha sii buuxda u soo dhigan gumeeystaha Talyaaniga ilaa iyo xorriyadda dalkeena,laakin taariikhdaasi ka hor waxaa gobolladena
ee DM ay ku nool yihiin ka jiray awood siyaasadeed ay hoggaamiyaan Hoggamiye Qabiileed oo kala leh magacyo kala duwan sida:Suldaan,Malaaq,Garaad i.w.m. .
Qabiilladaasi waxay lahaayeen,awoodo siyaasadeed oo loo yaqaan Customary Laws,oo ahaa sharciyo iyo xeeraar oo hoggaanka u haya qaab nololeedka qabiilladaasi oo idil,
waxayna ahaayeen qabillada walaalaha ah ee DigilMirifle,oo ahaa xoog iyo quwad siyaasadeed uu gumeystuhu wel-wel weyn ku haayey siduu u fushan lahaa danahiisa.
Xeerka DM,wuxuu ahaa xeer amaana ah oo qoolka iyo erayga uu ku dhawaaqo qofka reerkaasi u dhashay wuxuu ahaa GARANZIA ,bal fiiri heerka aan joognay iyo maanta.
Gumeystaha wuxuu inoo arkay,haddaynu nahay reer DM,dowlad leh ammaankeeda,hantideeda,dhaqaalaheeda,nabadgelyadeeda oo sugan 100%,xurriyadda nolosha oo
heerka ugu sarreyeya mareysa iyo tan ugu daran barwaaqada iyo qeyraadka faraha badan ay leeyihiin lixdeena gobol.
Sidii caadadu ahayd dunida,gumeysiga siduu u jebin lahaa midnimada iyo dowladnimada DM wuxuu u furay xuduudkeena soo galooti kale oo qabillo kale ahaa,laakin micnaha
weyn ku jirtay waxay ahayd inuu ku beero deegaankeena dad cusub oo noqda xoogag siyaasadeed oo tartan la geli doona dowladda DM oo salka ku haysay Customary Law oo
adeegsanaysay nidaamka loo yaqaan Customary Authority.
Bur-bur,kala go`iyo iska hor`imaad ayaa ka dhex dhashay qabilladii DM,oo loo kala qeybiyay asal ahaan qabillada xoogga siyaasadeed maanta u yeeshay dhaxal ahaan inay qabtaan
hoggaanka guud iyo jagooyinka ugu sarreeya dalka,reer DM waxay ka noqdeen waan aragnaa,maxaase inoo dan ah ?
Tariiqda DM laguma soo koobi karo qoraalkani,laakin waxaan kaliya rabay inaan xuso SHARAFTA ay dadkaan ka dhashay ay horey u lahaan jireen mala soo celinkaraa ?
Shacabka reer DM,waxay u baahan yihiin siday u soo celin lahaayeen karaamadooda,jiritaankooda,qaddarintooda,sharaftooda,dadnimadooda waa inayey ku dhaqaaqaan ACTION PLAN :
1-Siday u heli lahaayeen Nabadgelyo & Xorriyadda adminimo,waa in la mideeya xoogagga cidaamada RRA & DSA oo kala Digil & Mirifle,laakin ay noqdaan mid qur` ah.
2-Siday dhaqaale u sameystaan waa in laga caawina dhinaca maalgelinta iyo horumarinta wax soo saarka guud,kuwaasoo ku aadan inay iyagu noqdaan kuwa ka faa`ida xoogoda
iyo wax soo saarkooda dhinaha xoolaha,beeraha iyo iib-geynta dhinaca suuqyada dibedda si ay u helaan lacag adag ay ku soo iibsadaan qalab looga hortago dhibaatoyinka sida abaaraha.
3-Fursadaha waxbarasho ee dibadaha inay isku howliyaan xildhibaanadeena iyo madaxdeena inoo fadhiya googaha ku habboon.
4-In la dhiso Society ama Iskashatooyin ka kooban xubno DM,dalka gudahiisa iyo dibeddisaba,kuwaaso u taagan inay ka howl galaan dalka gudahiisa una iib geeyan dibedda,si ay fa`ido
u heelan iyaga iyo dadka ku nool gobolladaasi."Tan waxay keenaysa in anaga aan noqonno kuwa la hoos imaanayo" .
5-In la mideeyo aragtiyada kala duwan ee ku aadan dhinaca siyaasadda,taaso oo keeni karta inaan isku hadaf noqonno,taaso keeneysa inaan noqonno dadka ugu qiima sarreeysa marka
ay dowladda sameynayso AGENDA SETTING,waayo waxaad tixgelin siyaasadeed iyo cod culius yeelan kartaa haddaad haysatid koox mideysan.
6-Warbaahintu inay marwaliba noqoto midda ilaalisa UNITY,sidii loo soo celin lahaa:walaaltinimada,sharafta,kalsoonida,karaamad iyo heybadda ay leeyihiin qowmiyadda reer DM .
7-In la soo celiyo xisbigii hore ee federaalka ahaa ee Xisbiyo,kaaso ahaa difaacaha xaqqa iyo xuquuqda qabiillada ku noola barwaaqada ee labada webi Jubba iyo Shebelli .
8-Inaan taageero xooggan siino Xildhibaanada wanaagsan ee u qey;o dhaaminaaya inay qowmiyadda DM hesho xaqeedi iyo xuquuqdeedi.
9-In laga hortago,cambaareeyo wax-allaale wixii keeni kara xumaan halis gelin karta midnimada qowmiyadda DM .
10-Tan ugu dambeysa oo aan weligeen hamminaynay oo ah inaan dhisanno Maamul Goboleed,kaasoo loo baahan yahay sida ugu dhaqsaha badan,si aan u soo ceshano SHARAFTEENA.
Waad mahadsantihiin

Senior Political Adviser D&M in U.K.
.Eng.Mohamud H.Aliyow Ibrow

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  MOST READ  
   
  LATEST NEWS