Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan sharciyada horyaalla – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 18, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka codsaday Barlamaanka Maamulkaasi meelmarinta sharuucda horyaalla ee muhiimka u ah kaabayaasha Dowliga ah ee maamulkaasi.

Mudane Maxamed Xaashi Cabdi oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in baarlamaanka ay horgeyn doonaan sharciyada uu maamulka ku shaqeyn lahaa, isla markaana looga baahanyahay inay kala hor mariyaan sida ay sharciyada muhiimka ugu yihiin maamulka.

“Waxaa jiro sharciyo ay ka midyihiin Ansixinta nidaamka garsoorka, sharciga maamulada gobollada iyo degmooyinka oo ah sida ay u kala horeeyaan, sharciga magaalo madaxda ay yeelan doonto, waxaa kaloo ka mid ah sharciga xasaanadda, waxaa ka mid ah sharciga guddiyada la dagaallanka musuq maasuqa, waa shaqooyinka horyaalla baarlaamaanka Galmudug, xeerka xisaabiyaha guud ee maamulka, waxaan idinka codsaneynaa inaad meel marisaan sida ay u kala muhiimsanyihiin” Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS