Xubno ka tirsan aas aasayaashii Jaamacadda Galgaduud oo kormeeray xarunta Jaamacadda “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Sunday January 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Jaamacadda Galgaduud oo tan iyo markii laga aas aasay Degmada Caabudwaaq waxaa ay samaynaysay horumar dhanka tacliinta sare ah, waxaana sii kordhayay marba marka ka dambaysa ubaxa ardayda ee ay Jaamacaddu aqoonta ka waraabinayso taasi oo ku dhiira galisay in dhalin badani ay la jaan qaadeen markii Jaamacadda loo taagay dhidibada.

Guddi ka tirsan Aas Aasayaashii Jaamacadda Galgaduud ayaa koreer ku yimid Jaamacadda Galgaduud waxaana si diiran Jaamacadda ugu so dhaweeyay maamulaha Jaamacadda Cabdiraxmaan Calas Cartan iyo xubnoi ka tirsan ardada Jaamacadda.

Maamulaha ayaa guddiga soo kormeeray Jaamacadda oo kala ahaa Fawsiyo Faarax Shirdoon, Sheekh Cabdinuur Axmed Cilmi, Sheekh Xuseen Ibraahim Axmednuur uga warbixiyay heerka Jaamacadda oo sanadkii labaad ka furan Degmada Caabudwaaq.

Xubnihii ku yimid Jaamacadda kormerka oo ka yimid dalka Maraykanka oo kala ahaa Sheekh Cabdinuur Axmed Cilmi iyo Fawsiyo Faarax Shiroon ayaa hadal ay u jeediyeen Ardayda iyo maamulka Jaamacadda ku dhiira galiyay Dadlaaka waxbarasho ee Jaamacadda.

Shiikh Xuseen Ibraahin Axmednuur oo kamid ah masuuliyiinta Jaamacadda ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed in la taageero Jaamacada waxaana uu xusay in qofkii wax ku darsadaa Jaamacadda ay u tahay Sadaqo jaariya ah.

DSCN6546DSCN6547DSCN6550DSCN6557DSCN6558DSCN6559DSCN6564DSCN6565DSCN6572DSCN6577DSCN6579DSCN6581DSCN6586DSCN6593DSCN6595

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS