Xoghayaha Qaramada Midoobay Bank moon ayaa cambaareeyay weerarkii Kooxda Shabaab ay ku qaaday Xero Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo oo qiyaastii 60 KM u jira magaalada Garabahaareey.

Warbixin ka soo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegeysa in Xoghayaha uu amaanay dadaalka Ciidamada AMISOM ee nabad kusoo dabaalida Soomaaliya iyo ladagaallanka Kooxda Shabaab.

“Waxaan xaqiijinayaa in weerarkaan uusan niyad jabin doonin taageerada ay Qaramada Midoobay siiso howllgalka Midowga Afrika, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee xalka loogu raadinayo Sooamaliya” ayaa lagu yiri bayaanka QM.

Sidoo kale, Golaha ammaanka oo cambaareeyay Weerarka Ceel-cade ayaa hoosta ka xariiqay in uu sii balaarinayo taageerada AMISOM inta laga adkaanayo Kooxaha argagixisada ee dhibaatada ka wada Afrika.

Xubnaha ayaa isla gartay muhiimada ay leedahay in la xayiro ilaha dhaqaale ee Kooxda Shabaab oo door weyn ka qaata weerarada ay fuliso Kooxda, kuwaasi oo hadii la xayiro bey yiraahdeen ay suuragal tahay in hoos loo dhigo awoodooda.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in ay tahay in lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay weerarka Ciidamada Kenya lagu qaaday.